Serie A

Malaga Yaabaa In Christian Eriksen Uu Ciyaaro Kubada Cagta Markale??

Xidiga reer Denmark Christian Eriksen oo xanuun wadnaha ah uu ku soo booday kulankii furitaanka Euro 2020 xulkiisa Denmark uu guuldarada kala kulmay dhigiisa Finland ayaa shaki badan uu ku jiraa in uu ciyaari karo markale kubada cagta.

Eriksen oo 29-jir ah ayaa haatan kasoo kabanaya xanuunkii uga soo booday wadnaha wuxuuna booqday xidigaha xulka Denmark ee ciyaaraya Euro 2020 isagoo u rajeeyey meel wanagsan iney ka gaaraan tartanka.

Warbaahinta caalamka ayaa haatan shaki badan galineysa in Cristian Eriksen uu ciyaari karo kubada cagta markale balse waxkasta waxa ay cadaan doonaan marka uu ku dhawaaqo go,aankiisa shaqsi ahaaneed iyo talada dhaqtarkiisa gaarka ah taasi oo go,aamin doonta mustaqbalkiisa ciyaareed waqtiga fog.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *