Premierleague

Mahrez: Waxaan Doonayaa Inan Ciyaaraha Uga Fariisto Man City.

Xiddiga reer Algeria ayaa ku dhawaqay in uu doonayo inuu waayihiisa ciyaareed kusoo gabagabeeyo kooxda Man City ka dib markii uu ku guuleystay horyaalkiisii seddexaad ee Premier League-ga, Mahrez ayaana sheegay in hadii fursadaas la siiyo uu xirfadiisa ku dhamaysan doono kooxda Manchester City.

Riyad Mahrez ayaa Man City kaga soo biiray kooxda Leicester City isaga oo muhiim ka noqday shaxda tababare Pep Guardiolla isago oo dhaliyey goolashii Man City usuura geliyey iney yimadaan Final-ka Champions League-ga.

Mar laweydiiyey halka uu ku dhameysan doono waayihiisa ciyaareed ayuu ku jawabay: “waxaan doonayaa inan ku dhameysto xirfadeyda ciyaareed gudaha ingiriiska iyo kooxda Man City”.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *