Serie A

Lukaku Oo Ilmada Ceshan Waayey Intii Lagu Jiray Dabaal Degii Inter Milan Ee Ku Guuleysiga Horyaal-ka Talyaniga.

Romelu Lukaku ayaa la arkayey isagoo ilmeynaya intii lagu jiray dabaaldegii xiisaha lahaa ee Inter Milan ka dib markii ay ku guuleysteen horyaal-ka Serie A Talyaaniga axadii.

Inter ayaa ku guuleysatay horyaalka talyaaniga iyadoo kulamo dhowr ah ka harsanyihiin dhamaanshiyaha horyaalka talyaaniga balse waxaa ay 5-1 ku garaaceen kooxda Udinese kulankii ugu dambeeyey horyaalka talyaniga si ay ugu dabaal degaan hanashada horyaalka.

Weeraryahanka reer Belgium ee Lukaku ayaa dhaliyay gool-kii shanaad ee ciyaartii ay kooxdiisu 5-1 kaga badisay Udinese iyadoo kooxda macalin Antonio Conte ay ku guuleysteen horyaal-ka iyagoo 12 dhibcood ka sareeya kooxda ay xafiltamaan ee AC Milan oo boos-ka labaad ku dhameysatay.

Lukaku ayaa Inter Milan ka caawiyey iney ku guuleysato horyaalka talyaaniga xili ciyaaredkan isaga oo dhaliyey 24 gool wuxuuna 5gool oo kaliya dambeeyay Cristiano Ronaldo oo dhaliyey 29 gool kuna guuleystay kabta dahabka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *