Wararka Suuqa

Liverpool Oo Heshiis La Gaartay Konate , Kane Iyo Shancho Oo Kusii jeeda Man United, PSG Oo Isha Kuheysa Mohamed Salah Iyo Wararkii Ugu Dambeeyey Ee Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartoyda.

Kooxda Liverpool ayaa xaqiijisay iney heshiis shaqsi ah lagaartay difaaca RB Leipzig ninka lagu magacaabo Ibrahima Konate si uu ugu soo biiro xagaagan, sida uu warinayo weriyaha caanka ah ee Fabricio Romano Liverpool ayaa dhameystirtay saxiixa Konate isaga oo qalinka kuduugi doona heshiis 5sano ah.(Talk Sport).

PSG ayaa qorsheyneysa iney lasoo wareegto weeraryahanka Liverpool Mohamed Salah hadii uu Kooxda katago Kylian Mbappe xagaagan, salah oo 2sano uga harsantahay heshiiska uu kula jiro Liverpool ayaa bishii Maarso kooxdiisa Liverpool kala hadashay heshiis kordhin balse wuxuu ugu jawabay “waan arki doona wixii dhaca” (Talk Sport).

Kooxda Man City ayaa dooneysa iney lasoo wareegto xidiga kooxda West Ham Declan Rice si ay badal uga dhigto xidigeeda haatan ee Fernandinho, Fernandinho oo ah 36jir ayey ubadantahay inuu ka tago kooxdiisa madama heshiiska uu kula jiro kooxda Man City uu dhacayo dhamaadka xili ciyaareedkan.
Bishii Maarso tababraha West Ham David Moyes ayaa ka dhawajiyey in qiimaha Declan Rice uu yahay £100m.( Talk Sport).

Man United ayaa isha kuheysa xaalada weeraryahanka Totenham iyo xulka England Hary Kane iyada oo dooneysa iney lasoo wareegto xidigaan lagu qiimeyo £90m si ay u qanciso taageerasha careysan ee kooxdooda , sidoo kale Man United ayaa isku diyaarineysa iney dalab cusub ka gudbiso garabka kooxda Borussia Dortmond Jadon Sancho. (Talk Sport).

Real Madrid ayaa ka fiirsaneysa iney dalab £ 75m ka gudbiso garabka Kooxda Man City Raheen Sterling, City ayaa laga yaaba iney 26 jirkaan iska iibiso suuqa xagaagan kadib hoos udhac weyn oo kuyimid qaab ciyaareedkiisa kulamadi ugu dambeeyey iyadoo badalka Sterling u aragta Xidiga Aston Villa Jack Grealish. (Football Insider).

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *