Premierleague

Jose Mourinho Oo Ka Hadlay Qaab Ciyaareedka Kevin De Bruyne Iyo Wararka Sheegaya Inuu Ka Diray Chelsea Xiligii Uu Tababaraha U Ahaa..

Tababarihii hore ee Chelsea Jose Mourinho ayaa iska fogeeyey wararka sheegaya inuu lahaa go,aankii Kevin De Bruyne looga diray garoonka Stamford Bridge xiligii uu tababaraha u ahaa Blues.

De Bruyne ayaa waqtigaas Chelsea kaga soo biiray kooxda reer Belgium ee Genk heshiis dhan £7million kadibna waxaa sanadkii ugu horeeyey amaah loogu diray kooxda reer Germany ee Werder Bremen.

Jose Mourinho markaasi dib ugu soo laabtay Chelsea ayaa la kulmay ciyaaryahanka reer Belgium De Bruyne balse kooxda reer Germany ee Wolfsburg ayaa dalab £18million ah usoo bandhigtay Chelsea si ay uhelaan adeega xidiga reer Belgium.

Chelsea ayaana aqbashay dalabka kaga yimid kooxda Wolfsburg iyadoo Kevin uu ku biiray xiligaasi kooxda reer Germany intaas ka dib wuxuu noqday ciyaaryahanka ugu wanagsan horyaaka Jarmalka sanadkiisa ugu horeeyey uu ku qaatay kooxda Wolfsburg kadibna wuxuu usoo dhaqaqay kooxda Man City oo uu haatan u ciyaaro.

Mourinho oo dhowr jeer lagu eedeeyey inuu ka dambeeyey in De Bruyne uu ka tago Chelsea ayaa haatan sheegay in Kevin uu dalbadey shaqsi ahaantiisa inuu ka tago kooxda Chelsea xiligaas.

Sidoo kale Mourinho ayaa amaanay qaab ciyaareedka wanaagsan ee Kevin isagoo sheegay in De Bruyne uu ka mid yahay ciyaaryahanada ugu wanagsan kubada cagta caalamka xiligaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *