Premierleague

John Barnes: Haaland Kuma Aado Daafacyada Horyaal-ka Ingiriis-ka Ha Iska Aado Horyaal-ka Spain!!

Xidigii hore ee Liverpool John Barnes ayaa ka hadlay fikirkiisa ku aadan wararka sheegaya in Erling Haaland uu kusoo wajahanyahay horyaalka Premier League-ga Ingiriiska isagoo sheegay in Haaland uusan ku aadin daafacyada Premier Legaue-ga.

Haaland ayaa lala xiriirinayaa inuu usoo dhaqaaqo horyaalka Premier League-ga ingiriiska isagoo dalabyo ka helaya kooxaha Manchester City iyo Chelsea oo dhamantood doonaya saxiixiisa.

Isagoo lahadlayey warbaahinta Barnes ayaa yiri: ‘ waxaan umaleynayaa in Haaland ay u fiicantahay inuu ka mid noqdo kooxaha horyaalka Spain, sababtoo ah asiga waa ciyaaryahan jir ahaaneed wuxuu ceebeeyey ciyaartooy badan oo horyaalka jarmalka ka dheela, taasi camal wuxuu ku sameyn karaa horyaalka Spain balse kuma sameyn karo horyaalka Premier League-ga ingiriiska’.

Horyaalka ingiriiska waxaa jooga ciyaartooy jir ahaaneed hadii Haaland uu yimaado horyaalka Ingiriiska ma awoodi doono xitaa inuu iska dhiciyo daafacyada kooxda Brighton, sidaasi darteed waxaan umaleynayaa in Haaland uu kusoo baxayo horyaalka Spain. ayuu hadalkiisa ku soo xiray John Barnes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *