Hordhac

Hordhaca : West ham United Iyo Chelsea.

Kooxda West Ham United ayaa gurigeeda kusoo dhaweyn dionta dhigeeda Chelsea kulan katirsan Premier League-ga ingiriiska.

West ham ayaa badisay 3 kamid ah shantii kulan ee ugu dambeysay Premier League- ga ay kula ciyaaren Chelsea gurigooda.

Chelsea kuma aysan guuleysan garoonka London Stadium tan iyo bishii Maarso ee sanadkii 2017 markaas oo uu kooxda maamulayay Antonio Conte. Goolal ay kala dhaliyeen Eden Hazard iyo Diego Costa ayaa Chelsea ka saaciday guul 2-1ah . Cesar Azpilicueta, Marcos Alonso iyo N’Golo Kante ayaana ku jiray safka koowaad ee Chelsea maalintaasi.

Blues ayaa ku badisay kulankii ka dhacay Stamford Bridge 3-0 bishii December, iyadoo goolal ay udhaliyeen Thiago Silva iyo labo gool oo uu dhaliyay Tammy Abraham.

Guulihii Ugu Waa weynaa Ee Ay Kala Gaareen.
Chelsea 6-2 West Ham 1965/66
West Ham 4-0 Chelsea 1980/81
Chelsea 0-4 West Ham 1985/86

Guushii ugu weyneyd ee Chelsea ay ka gaarto West Ham waxey aheyd ciyaar kudhamatay 4-0, 2007/08

Shaxaha Macquulka Ah:

Chelsea: Mendy, Cesar Azpilicueta, Antonio Rudiger,James, Ben Chilwell, Andre Christensen, Jorginho, Kante, Mason Mount, Kai Haverts, Hakim Ziyech.

West Ham: Lukasz Fabianski, Issa Diop, Angelo Ogbonna, Aaron Cresswell, Tomas Soucek, Mark Noble, Ben Johnson ,Vladimir Coufal, Pablo Fornals, Jesse Lingard, Jarrod Bowen.

Waqtiga Ciyaarta: 19:30 XGA .

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *