Premierleague

Hordhaca: Manchester United Iyo Fulham.

Man United ayaa mar kale weyn doonta kabtan Harry Maguire kulanka ay Premier League ku wajahayaan kooxda Fulham garoonka Old Trafford.

Maguire ayaa seegi doona labada kulan ee ugu dambeysa Premier League-ga ee Fulham iyo Wolverhampton Wanderers balse waxaa la rajeynayaa inuu diyaar unoqdo final-ka Europe League-ga ee ay la ciyaari doonaan Villarreal.

Solskjaer ayaa larajeynayaa inuu kulankaan kusoo galo shax xoogan taasoo lagayaabo in Bruno Fernandes iyo Edinson Cavani kusoo bilaawdaan ciyaartaan silamid ah Marcus Rashford iyo Mason Greenwood.

Kooxda heerka labaad udhacdey ee Fulham ayaan heli doonin kabtankooda Tom Cairney inta ka dhiman xilli ciyaareedkaan, Ciyaaryahankaan khadka dhexe ayaa weli la dhibtoonaya dhaawac kasoo gaaray jilibka sidoo kale Antonee Robinson oo dhaawac canqowga ah qaba ayaa maqnaan doona kulankaan.

Xaqiiqada Kulanka:
Garsooraha: Lee Mason.
Garoonka: Old Trafford.
Waqtiga: 8:00pm xiliga geeska africa.
Maalinta: Arbaco
Taariikhda: 18 May 2021

Shaxaha Macquulka Ah:

Manchester United : David De Gea; Alex Telles, Victor Lindelof, Eric Bailly, Aaron Wan-Bissaka; Scott McTominay, Donny van de Beek; Marcus Rashford, Bruno Fernandes, Amad Diallo; Mason Greenwood.

Fulham: Alphonse Areola; Ola Aina, Tosin Adarabioyo, Joachim Andersen, Kenny Tete; Harrison Reed, Andre-Frank Zambo Anguissa; Ademola Lookman, Joshua Onomah, Fabio Carvalho; Josh Maja.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *