EURO

Hordhaca: Kulanka Xiisaha Badan Ee Portugal Iyo France Tartanka Euro 2020 + Shaxaha Macquulka Ah..

Xulalka Portugal iyo France ayaa wada ciyaaraya caawa kulan ka tirsan tartanka xiisaha badan ee Euro 2020 group-ka F iyadoo xulkasta uu doonayo inuu gaaro wareega 16-ka Euro 2020.

Faransiiska oo guul kasoo gaaray xulka Jarmalka kulankii furitaanka sido kalena barbaro 1-1 ah lagalay xulka Hungary ayaa haatan hogaaminaya group-ka F isagoo leh 4 dhibcood 2 kulan uu ciyaaray.

Portugal ayaa dhankeeda guul ku furatay tartanka Euro 2020 kadib markii ay 3-0 ku garaceen xulka yar ee Hungary kulankii furitaanka group-ka F balse waxey kulankii labaad guuldaro 4-2 ah kala kulmeen xulka qaranka Jarmalka.

Maxaa Ka Cusub Labada Xul?

Tababaraha Portugal Farnando Santos ayaa la rajeynayaa inuu isbadalo badan ku sameeyo xulkiisa Portugal kadib guul daradii qaraareyd ee ay kala kulmeen xulka Jarmalka isagoo xoojin doona qeybta daafaca sidoo kale qadka ayaa la rajeynayaa inuu isbadalo badan ku sameyo.

Renato Sanches ayaa laga yaaba inuu kusoo bilaawdo booska Bernardo Silva sido kale xidigaha Joe Felix iyo Nuno Mendes oo seegay kulankii Jarmalka ayaa laga yaaba iney u saftaan xulka Portugal.

Dhanka France tababare Deschamps ayaa laga yaaba inuu isbadalo dhowr ah ku sameeyo dhanka weerarka kadib barbarihii 1-1 ahaa ay lagaleen xulka Hungary balse waxaa xulka France ka maqan Ousame Dembele oo dhaawac jilibka ah looga saaray inta ka harsan tartanka Euro 2020.

Shaxaha Macquulka Ah

Portugal: Rui Patrício; Semedo, Dias, Pepe, Guerreiro; Danilo, Renato Sanches, Bruno Fernandes; Bernardo Silva, Ronaldo, Diogo Jota.

France: Lloris; Pavard, Varane, Kimpembe, Hernandez; Pogba, Kante, Rabiot; Griezmann, Benzema, Mbappe.

Waqtiga Ciyaarta: 10:00 pm Xiliga Geeska Africa.
Garoon-ka: Puskas Arena.
Garsooraha: Antonio Mateu (u dhashay Spain).

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *