Champions league

Hordhaca: Kulanka Xiisaha Badan Ee Man City vs PSG.

Kooxda Man city ayaa Etihad Stadium ku soo dhoweyn doonta dhigeeda PSG lugta labaad ee semi final-ka Champions League-ga, Mancity ayaa heysata faa,ido 2-1 guul ah oo ay kusoo gaareen garoonka kooxda PSG lugtii hore semi final-ka goolal ay udhaliyeen De Bruyne iyo Mahrez.

PSG ayaa waajaheysa cabsi dhaawac oo weyn kahor kulanka lugta labaad iyadoo Kylian Mbappe uu seegay kulankii ay kooxdiisu guusha ka gaadhay kooxda Lens todobaadkan dhaawac kubka ah inkastoo tababaraha PSG Mauricio Pochettino uu sheegay inuu ku rajo weynyahay in Mbappe uu kasoo muuqan doono kulanka lugta labaad laakiin wali shaki ayaa kujira taam ahaan shihiisa balse waxaa ganaax kuseegi doona ciyaartaan Gana Gueye oo kaarka cas qaatay lugtii hore.

Guardiolla ayaa horey ugu guuleystay koobkaan laba jeer isaga oo wata Barcelona balse waxa uu doonayaa markaan inuu kula guuleysto kooxda Man City, Guardiolla ayaa laga yabaa inuu isbadalo badan kusameeyo shaxdiisa lugta labaad iyada oo laga yaabo inuu ciyaaro sagaal been ah sida kulankii lugta hore.

Shaxaha Macquulka Ah:

Man City: Ederson; Walker, Stones, Dias, Cancelo; Bernardo, Rodri, Gundogan; Mahrez, De Bruyne, Foden.

PSG: Navas, Florenzi, Marquinhos, Kimpembe, Bakker, Paredes, Verratti, Draxler, Di Maria, Mbappe, Neymar.

Waqtiga Ciyaarta: 10:00pm Xiliga Geeska Afrika.

2 thoughts on “Hordhaca: Kulanka Xiisaha Badan Ee Man City vs PSG.

Leave a Reply to Gaphay Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *