Champions league

Hordhaca: Kulanka Xiisaha Badan Ee Chelsea Iyo Real Madrid.

Kooxaha Chelsea iyo Real Madrid ayaa wada ciyaaraha caawa lugta labaad ee Semi Finalka Champions league ciyaar kadhici doonta garoonka kooxda chelsea ee Stambford Pridge.

Chelsea waxaa ka maqan oo ciyaartaan seegi doona xidiga qadka dhexe ee Mateo Kovacic ka dhaawac ka soo gaaray tababarka, laakiin Thomas Tuchel ayaa dib u heli doona Antonio Rudiger isaga oo xiran doona maaskaro wajiga ah ka dib dhaawac ka soo gaaray lugtii hore ee semi final-ka sidoo kale Mason Mount oo jug dhabarka ah uga baxay ciyaartii Fulham isbuucan ayaa laga yaaba inuu safka kooxda chelsea kusoo noqdo.

Dhanka Real Madrid Sergio Ramos ayaa diyaar noqon doona kulanka lugta labaad isaga oo tababarka buuxa laqaatay kooxdiisa balse waxaa ciyaartaan seegi doona Difaaca reer France Rephael Varane.

Shaxaha Macquulka Ah:

Chelsea: Mendy; Christensen, Thiago Silva, Rüdiger; Azpilicueta, Jorginho, Kanté, Chilwell; Pulišić, Werner, Mount

Real Madrid: Courtois; Valverde, Ramos, Militão, Nacho; Casemiro, Kroos, Modrić; Asensio, Benzema, Vinícius.

Waqtiga Ciyaarta : 10:00pm Xiliga Geeska Africa.

Garsooraha Ciyaarta: Danielle Orsato.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *