Champions league

Hordhaca : Kalanka Weyn Ee Real Madrid Iyo Chelsea.

Kooxaha Real Madrid iyo Chelsea ayaa wada ciyaaraya caawa kulan katirsan Semi-finalka Champions League-ga ciyaar kadhici doonta garoonka kooxda Real Madrid ee Elfredo Di Stefano.

Chelsea ayaa soo gaartay semi-finalka Champions League-ga dib markii iskudar 2-1 goolal ah kaga soo gudbeen kooxda reer Portugal ee Porto wareega quarter-finalka.

Kooxda tababare Zinedine Zidane ayaa kasoo gudubtay Liverpool wareega quarter-finalka, iskudar 3-1 goolal ah, Real Madrid ayaana  muhiimad gaar ah siin doonta tartanka Champions League-ga ayagoo doonaya iney kuguuleystaan markii 14aad.

Real madird ayaa weyneysa kabtanka kooxdooda Sergio Ramos kulanka caawa madaama uu la dagaallamayo dhaawac kasoo gaaray kubka. Si kastaba ha ahaatee, ciyaaryahanka reer Spain ayaa la rajeynayaa inuu soo laabto ka hor lugta labaad.

Sidoo kale Ferland Mendy ayaa kumaqan dhaawac kubka ah, halka Federico Valverde uu ku maqanyahay COVID-19, sidoo kale Lucas Vasquez ayaa garoomada ka maqnaan doona inta ka dhiman xilli ciyaareedkan ka dib markii uu dhaawac jilibka ah ka soo gaadhay kulankii El Clasico ee bilaawgii bishaan.

Dhanka Chelsea ayaa heli karta dhamaan xidigaheeda kulanka caawa marka laga reebo Mateo Kovacic oo dhawac muruqa ah ku seegi doona kulanka lugta hore ee semi-finalka Champions League.

Shaxaha Macquulka Ah:

Real Madrid :Thibaut Courtois, Raphaël Varane, Eder Militao, Nacho; Marcelo, Luka Modric, Casemiro, Toni Kroos; Vinicius Junior, Karim Benzema, Eden Hazard.

Chelsea : Edouard Mendy; Andreas Christensen, Thiago Silva, Antonio Rudiger; Cesar Azpilicueta, Jorginho, N’Golo Kante, Mason Mount, Ben Chilwell; Christian Pulisic, Timo Werner

Waqtiga Ciyaarta : 10:00 pm Xiliga Geeska Africa.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *