EURO

Hordhaca: Italy vs Turkey Furitaanka Tartanka Xiisaha Badan Ee Euro 2020.

Waxaa caawa si rasmi ah ufurmaya tartanka xiisaha badan ee Euro 2020 waxaana nasiib u yeeshay in tartanka lagu furo xulalka Italy iyo Turkey.

Talyaaniga ayaa doonaya in uu ku guuleysto tartanka Euro markii labaad isagoo horey ugu guuleystay 1968-dii halka Turkey laga yaabo inuu dhigo wacdaro cajiib ah tartankaan xiisaha badan.

Xulka talyaaniga oo ku guuldareystay inuu usoo baxo koobkii aduunka ee 2018 lagu qabtay Russia ayaa guuleystay dhamaan 10-kii kulan ee uu dheelay is reeb reebka tartanka Euro 2020.

Turkey oo kaalinta labaad group H kaga soo baxay isreeb reebka tartanka Euro 2020 ayaa 4 dhibcood ka qaatay xulka qaranka France waxana Turkey uu guuldareystay 1 kulan oo kaliya.

Talyaaniga ayaa 20 kulan ilaashaday shabaqiisa 32 kulan oo ay ciyaareen sidoo waxey badiyeen 8-dii kulan ee lasoo dhaafay iyagoo aan laga dhalin wax gool ah intii uu tababaraha u ahaa Roberto Mancini.

Turkiga ayaa ku jira xiligii uu ugu difaaca adkaa iyagoo kaliya laga dhaliyey 3 gool isreeb reebkii Euro 2020 iyo isreeb reebka koobka aduunka ee Qatar lagu qaban doono 2022.

Shaxaha Macquulka ah

Turkey: Uğurcan Çakır; Zeki Çelik, Merih Demiral, Çağlar Söyüncü, Umut Meraş; Okay Yokuşlu, Ozan Tufan, Hakan Çalhanoğlu, Cengiz Ünder, Kenan; Burak Yılmaz

Italy: Donnarumma; Florenzi, Bonucci, Chiellini, Spinazzola; Barella, Jorginho, Locatelli; Berardi, Immobile, Insigne

Waqtiga Ciyaarta: 10:00 pm xiliga geeska africa.
Garoonka: Stadio Olimpico, Rome.

Garsoore: Danny Makkelie( Natherlands).

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *