EURO

Hordhaca: England Iyo Czech Republic Tartanka Euro 2020.

Xulka qaranka England ayaa garoonka Wembley kusoo dhaweyn doona xulka qaranka Czech Republic kulanka ugu dambeeya wareega guruubyada tartanka Euro 2020.

Ingiriiska oo heysta haatan 4 dhibcood 2-kulan uu ciyaaray ayaa haatan doonaya inuu guul kusoo xiro kulanka ugu dambeeya wareega guruubyada si uu kaalinta koobaad ugu soo baxo guruubka D.

Guul ay gaarto England ayaa ka dhigan iney kaalinta koobaad ku dhameysan doonan iyagoo leh 7 dhibcood waxeyna wareega 16-ka ku wajihi doonaan xulkii ku dhameysta kaalinta labaad group-ka F.

Guuldaro soo gaarta xulka England ayaa ka dhigi doonta iney u dhacaan kaalinta 3aad waxeyna ku xirnaan doonta natiijada kulanka u dhaxeeya Scotland iyo Croatia.

Maxaa Ka Cusub Labada Xul?

Harry Maguire ayaa laga yaabaa inuu markii ugu horeysay u ciyaaro xulka qaranka England tartanka Euro 2020 isagoo kasoo kabsaday dhaawac ku maqnaa.

Daafaca Manchester United ayaa seegay 2-dii kulan ee xulka England la ciyaaray xulalka Croatia iyo Scotland balse waxaa haatan la rajeynayaa inuu ciyaaro kulanka ugu dambeeya Group-ka D.

Dhanka kale Jadon Sancho ayaa laga ayaa laga yaaba inuu ciyaaro kulankiisa ugu horeeyey tartanka Euro 2020 iyadoo larajeynayo in tababare Southgate uu sameyn doono isbadalo badan dhanka weerarka kadib barbarihii gool la,aanta ahaa ay lagaleen xulka Scotland.

Dhanka Czech Republic weeraryahankooda Patrick Schick oo dhawac sanka ah uu soo gaaray kulankii xulkiisa Czech uu barbardhaca lagalay xulka Croatia ayaa lagayaabaa inuu kasoo muuqdo safka xulka Czech Republic isagoo xiran maasgaraha wejiga.


Shaxaha Macquulka Ah.

England: Pickford; James, Stones, Maguire, Shaw; Rice, Phillips, Bellingham; Foden, Kane, Sterling.

Czech Republic: Vaclik; Coufal, Celustka, Kalas, Boril; Soucek, Holes; Masopust, Darida, Jankto; Schick.

Waqtiga Ciyaarta: 10:00pm Xiliga Geeska Africa.
Garsooraha: Arthur Dias ( Portugal).
Garoonka: Wembley Stadium.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *