EURO

Hordhaca: Croatia Iyo Spain Wareega 16-ka Euro 2020.

Xulalka Croatia iyo Spain ayaa caawa wada ciyaaraya kulan ka tirsan wareega 16-ka tartanka Euro 2020.

Croatia oo guul ku soo xirtay wareega guruubyada ayaa dooneysa iney gaarto wareega 8-da European Championship markii ugu horeysay 13 sano kadib iyagoo wajihi doona xulka Spain oo guul 5-0 ah ku soo xiray wareega guruubyada Euro 2020.

Croatia ayaa weyn doonto xidigeeda Ivan Perisic ka dib markii laga helay caabuqa Coronavirus waxaana booskiisa larajeynayaa inuu buuxiyo xidiga Ac Milan Ante Rebic, sidoo kale xidigaha Nikola Vlasic, Bruno Petkovic iyo Andrej Kramaric ayaa laga yaaba iney ka mid noqdaan shaxda xulka Croatia.

Tababaraha xulka Spain Luis Enrique ayaa heysta xul dhameystiran mana jiro xidig dhaawac uga maqan kulankaan waxaana macquul ah in uusan isbadalo badan ku sameyn shaxdii guusha weyn gaarsiisay kulankii ugu dambeeyey ee wareega guruubyada.

Croatia iyo Spain xulkii guuleysta waxa uu usoo gudbi doona wareega 8-da Euro 2020 isagoo ku aadi doona midkii soo baxa xulalka France iyo Switzerland oo dhankooda ciyaaraya wareega 16-ka Euro 2020.

Shaxaha Macquulka Ah

Croatia – Livkovic; Vrsaljko, Lovren, Vida, Gvardiol; Brozovic, Modric, Kovacic; Vlasic, Kramaric, Rebic.

Spain – Simon; Azpilicueta, Laporte, Pau Torres, Alba; Koke, Busquets, Pedri; Pablo Sarabia, Morata, Gerard Moreno.

Waqtiga Ciyaarta: 7:00 pm Xiliga Geeska Africa.
Garoon-ka: Parken (Copenhagen)
Garsooraha: Cuneyt Cakir (u dhashay Turkey).

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *