Premierleague

Hordhaca: Chelsea Iyo Leicester City.

Kooxaha Chelsea iyo Leicester City ayaa kulmaya markii 2aad isbuuc gudihiisa kulan katirsan horyaalka Premier League-ga ingiriis-ka.

Chelsea ayaa dooneysa iney aarsato guuldaradii sabtidii kasoo gaartay Leicester City final-kii FA Cup-kq ingiriis-ka ciyaar ku dhamaatay 1-0 gool uu dhaliyey xidiga reer belgium ee Tielmans.

Chelsea ayaa heli karta xidigaha Mateo Kovacic iyo Andre Christensen oo dhaawacyo ku seegay final-kii FA Cup-ka iyadoo larajeynayo iney kasoo muuqdaan kursiga keydka.

Leicester City ayaa weyn doonta difaacooda Jony Evans kaasi dhaawac lagu saaray qeybtii hore final-kii FA Cup-ka sabtidii dhawac kasoo gaaray cagta, sidoo kale James Justin iyo Harvey Barnes ayaa maqnaan doona kulankaan iyado uu shaki ku jiro taam ahaan shiyaha xigida reer Turkey ee Cengiz Under.

Xaqiiqada Ciyaarta:
Garsooraha: Mike Dean.
Garoonka : Stamford Bridge.
Waqtiga : 10:15 pm xiliga geeska africa.
Malinta: Talaado.
Taariikhda: 18-ka May 2021.

Shaxaha Macquulka Ah:

Chelsea: Mendy; James, Silva, Rudiger; Azpilicueta, Kante, Kovacic, Chilwell; Mount, Havertz, Pulisic.

Leicester City: Schmeichel; Castagne, Fofana, Soyuncu; Albrighton, Tielemans, Ndidi, Thomas; Perez, Maddison; Vardy.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *