Premierleague

Hordhaca: Brighton & Hove Albion Iyo Manchester City.

Kooxda hanatay horyaalka ingiriis-ka ee Man City ayaa booqan doonta garoonka kooxda Brighton kulan ka tirsan horyaalka PL ingiriis-ka.

Kabtanka Brighton Lewis Dunk iyo Neal Maupay ayaa maqnaan doona kulanka Brighton ay martigelinayso kooxda heysata Premier League ee Manchester City, Labada ciyaaryahan ayaa ganaax ku seegaya ciyaartaan kadib casaankii ay qaateen kulankii Wolves 9-kii May.

Sidoo kale Joel Veltman iyo Davy Propper ayaa ku seegi doona kulankaan dhaawacyo Kubka iyo Canqowga ah iyadoo Tariq Lamptey iyo Solly March ay ku maqnaan doonan dhawacyo muruqa iyo jilibka ah inta ka dhiman xili ciyaareedkaan.

Dhanka Man City Kevin De Bruyne ayaa ku soo laaban kara City ka dib markii uu dhaawac muruqa ah ku seegay labadii kulan ee ugu danbeysay oo ay ciyaartay City, balse Sergio Aguero ayaa maqnaan doona ciyaartaan

Goolhayaha da’da weyn ee Scott Carson ayaa laga yaaba inuu fariisto kulankaan iyadoo Pep Guardiolla uu xaqiijiyey in goolhaye Ederson uu soo laaban doono 2da kulan ee ugu dambeysa horyaal-ka Premie League-ga.

Xaqiiqada Ciyaarta:

Garsooraha: Stuart Attwell
Garoonka: The American Express Community Stadium.
Waqtiga: 9:00pm xiliga geeska africa.
Taariikhda: 18-ka May 2021.

Shaxaha Macquulka ah:

Brighton & Hove Albion: Sanchez; White, Webster, Burn; Gross, Lallana, Bissouma, Moder; Trossard, Jahanbakhsh; Welbeck

Manchester City: Ederson; Cancelo, Stones, Dias, Mendy; Silva, Fernandinho, De Bruyne, Mahrez, Jesus, Torres

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *