Premierleague

Hordhaca: Brentford Iyo Arsenal Kulanka Furitaanka Horyaalka Premier League-ga Fasal Ciyaareed-ka 2021/2022.

Kooxda Arsenal ayaa booqan doonta guriga kooxda Brentford kulanka furitaanka horyaalka Premier League-ga ingiriiska xili ciyaareedka 2021/2022.

Macalinka arsenal Mikel Arteta ayaa doonaya inuu guul ku bilaawdo xili ciyaareedka cusub ee horyaal-ka ingiriiska si uu uga hortago in su’aal lageliyo mustaqbalkiisa tababarenimo ee kooxda Arsenal.

Xidigaha dhowaan kusoo biiray kooxda Arsenal ee Ben White, Lokonga iyo Nuno Tavares ayaa laga yaaba iney helaan fursad ay ku ciyaaraan kulankooda ugu horeeyey ee horyaalka Premier League-ga ingiriiska.

Dhanka kale Brentford oo kusoo laabatay heerka koobaad ee horyaalka Ingiriiska markii ugu horeysay tan iyo 1947-dii ayaa isku diyaarineysa iney ciyaarto kulankooda ugu horeyey ee Premier League Ingiriis-ka.

Maxaa ka cusub labada kooxood?

Xidigii hore ee Arsenal haatana u ciyaara Brentford Da Silva ayaa ka maqan kooxdiisa balse waxaa diyaar ah kulankaan weeraryahankooda halista badan Ivan Toney.

Dhanka kale Arsenal ayaa weyn doonta xidigeeda qadka dhexe Thomas Partey oo djaawac canqawga ah uu soo gaaray kulan saaxiibtinimo Arsenal la dheeshay Chelsea.

Balse xidigaheeda cusub ee Ben White, Nuno Tavares iyo Lokonga ayaa laga yaaba iney kusoo bilaawdan kulankaan kadib bandhig wanagsan oo ay sameeyen intii lagu jiray kulamadii fasaxa ee ay ciyaartay Arsenal.

Xogta Ciyaarta:

Taariikh-da: 13 August 2021.
Waqtiga: 10:00 pm Xiliga Geeska Africa.
Garoon-ka: Brentford Community Stadium.
Garsooraha: Michael Oliver.

Shaxaha Macquulka Ah:

Arsenal (4-2-3-1): Leno; Chambers, White, Mari, Tierney; Lokonga, Xhaka; Pepe, Smith Rowe, Saka; Aubameyang.

Brentford (3-5-2): Raya; Ajer, Jansson, Pinnock; Canos, Onyeka, Norgaard, Janelt, Henry; Mbeumo, Toney.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *