EURO

Hordhaca: Belgium Iyo Portugal Wareega 16-ka Euro 2020.

Xulalka Belgium iyo Portugal ayaa caawa wada ciyaari doona wareega , xxź16-ka tartanka Euro 2020 ciyaar ka dhici doonta garoonka Estadio de La Cartuja ee Sevilla.

Xulka lagu naaneyso shayaadiinta cas cas ayaa wareega 16-ka ku soo gaaray bandhig wanaagsan isagoo wada badiyey dhamaan 3-dii kulan ee ay ciyaareen wareega guruubyada tartanka Euro 2020.

Tababare Roberto Martinez ayaa dib ugu yeeri doona xidigihiisa Jan Vertonghen, Thomas Meunier iyo Yanick Carrasco oo dhamantood nasiino ku maqnaa kulankii ugu dambeeyey ee Finland, sidoo kale Thorgan Hazard ayaa laga yaaba inuu kusoo laabto xulka kadib dhaawac jilibka ah oo soo garay kulankii Denmark.

Xulka Portugal ayaa dhankiisa soo gaaray wareeg 16-ka inkastoo kulankii ugu dambeeyey uu barbaro 2-2 ah la galay xulka qaranka France oo kaalinta 1-aad kaga soo baxay guruubka F waxaana 2-da gool Portugal u dhaliyey kabtankooda Cristiano Ronaldo.

Rephael Guerreiro ayaa laga yaaba inuu kusoo bilaado shaxda Portugal maadama Nuno Mendes uu ku maqanyahay dhaawac bowdada ah, halka Nelson Semedo la qiimeyn doono xaaladiisa ka hor kulanka,

Renato Sanches ayaa laga yaaba inuu markale ku soo bilaawdo shaxda xulka Portugal sidoo kale Joao Moutinho ayey macquul tahay inuu kasoo muuqdo shaxda xulka Portugal kadib bandhigiisii wanagsana ee kulankii France.

Shaxaha Macquulka Ah.

Belgium: Courtois, Denayer, Vermaelen, Vertonghen, Meunier, De Bruyne, Witsel, T. Hazard, Carrasco, E. Hazard, Lukaku

Portugal: Patricio, Semedo, Pepe, Dias, Guerreiro, Sanches, Danilo, Moutinho, Bernardo Silva, Jota, Ronaldo

Waqtiga Ciyaarta: 10:00 pm Xiliga Geeska Africa.
Garoon-ka: Estadio de La Cartuja (ku yaala Spain).
Garsooraha: Felix Brych (udhashay Germany)

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *