Premierleague

Hadalkii Ugu Dambeeyey Carlo Ancheloti Uu Ku Yiri Xidigaha Everton Intii Uusan Ka Tagin Oo La Ogaaday, Muxuu Ahaa?

Tababare Carlo Ancelotti ayaa si lama filaan ah uga dhaqaaqay kooxda Everton isagoo noqday tababaraha cusub ee Real Madrid taasi oo layaab ku noqotay dhamaan ciyaartoyda Everton iyo tageerayaashoodaba.

Ka dib guuldaradii Everton kasoo gaartay Manchester City kulankii ugu dambeeyey horyaalka ingiriiska Ancelotti ayaa ciyaartoyda Everton usheegay in uu la soo xiriiri doono bilawga xili ciyaareedka cusub inta laga gaarayana ay ku raaxaystaan fasaxooda.

Dhamaan ciyaartoyda Everton sida James Rodriguez iyo Allan ayey layaab ku noqotay in Ancelotti uu kooxda ka tagay waxeyna filayeen in Ancelotti uu maamulo kooxda xili ciyaareedka cusub.

Maadaama uu baxay Ancelotti waxaa uu badan shaki kujiraa mustaqbalka xidigo badan uu keenay kooxda waxaana laga yaaba in xidigo badan ay ka tagaan kooxda Everton kahor bilaawga xili ciyaareedka cusub.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *