EURO

Goolhayaha Kooxda Manchester United Dean Henderson Oo Laga Saaray Xulka England Ee Euro 2020 Kadib Dhaawac Soo Gaaray!! Yaa Lagu Badalay???

Goolhayaha Kooxda Manchester United iyo xulka England Dean Henderson ayaa laga saaray xulka England ee ciyaaraya tartanka Euro 2020 kadib dhaawac ka soo gaaray sinta.

Henderson ayaa lagu qasbay inuu gaar u tababarto isniintii balse ugu dambeyn waxaa loo sheegay inuu ku laabto magaalada Manchester si uu baaritaano caafimaad umaro waxaana badalkiisa loo yeeray goolhayaha kooxda Sheffield United Ramsdale.

Goolhayaha Sheffield United Ramsdale pic: Getty Images

Dean Henderson ayaa kulaabanaya haatan kooxdiisa Manchester United si qiimeyn loogu sameeyo dhaawaca kasoo gaaray sinta ka hor bilaabashada xili ciyaareedka cusub ee 2021/2022

Sharciga Uefa ayaana u ogol xulka England inuu badalo goolhayahiisa maadaama xulkasta loo ogolyahay inuu badalo goolhayihiisa sababo caafimaad awgood.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *