EURO

Garry Neville Oo Ka Hadlay Rajada Xulka Qaranka England Ee Ku Guuleysiga Euro 2020..

Kabtankii hore ee Manchester United Garry Neville ayaa rumeysan in xulka qaranka England uu fursada weyn uheysto ku guuleysida tartanka Euro 2020.

Xulka England ayaa kaalinta koowaad kaga soo baxay group-ka D isagoo helay 7 dhibcood wuxuuna 2 guulo ka gaaray xulalka Croatia iyo Czech Republic halka uu barbaro lagalay xulka Scotland ee tartanka isaga haray.

England ayaa dhalisay kaliya 2 gool kulamadii ay ciyaareen group-ka D iyadoo aan wax gool ah laga dhalin, Neville ayaana rumeysan in taasi fursad u siineyso iney ku guuleystaan tartanka Euro 2020 markii ugu horeysay.

Kadib guushii England uu ka gaaray Czech Republic Neville ayaa ushegay ITV Sport: ‘Runtii waan ku kalsoonahay xulka sidoo kale waxaan ku kalsoonahay tababaraha wuxuu garanayaa awooda ciyaaryahanada xulka wuuna yaqaan sidey kulamada u guuleysan lahaayen, waa ciyaar aad u adag isbuuca soo socda, waxey heystaan isbuuc ay isagu diyaariyaan kulankaas.

Waxaan umaleynayaa inan ku guuleysan doono sida aan hada u ciyaareyno oo ah mid xirfad sare ah, anagoo iska ilaalineyna in goolal nalaga dhaliyo, iyo qadka dhexe oo aan adkeyno kadibna abuurno daqiiqado qurux badan oo aan goolal ku dhalin karno. Ayuu sii raaciyey Garry Neville.

Hala yaabin marka aan la ciyaareyno Germany ama France waxaan ku dheeleynaa shan daafac gadaale maxaa yeelay waxaan wajaheynaa weeraryahano qatar badan sida Kylian Mbappe, Griezman iyo Karim Benzema. Ayuu hadalkiisa kusoo xiray Garry Nevile.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *