Bungesliga

Erling Haaland Oo Beeniyey Wararka Sheegaya Inuu Diiday Lacag Uu Cunto Uga Cunay Maqaayad Ku Taala Jaziirada MyKonos.

Weeraryahan-ka kooxda Borussia Dortmond iyo xulka Norway Erling Haaland ayaa deg deg u beeniyey warbixinta lagu faafiyey baraha bulshada ee ah inuu €500,000 ka isticmaalay maqayad ku taala jaziirada MyKonos ee Giriiga ka dibna uu siiyey €30,000 oo kali ah.

Warbixin uu sabtidii daabacay wargeyska Greek Newspaper ayaa lagu sheegay in Haaland uu maqaayad ku taala Jaziirada Mykonos ee Giriiga ka isticmaalay lacag dhan €500k lix saacadood uu ku sugnaa isagoo cabay 4 caagadood oo ah biyaha loo yaqaan Champagne ka dibna uu bixiyey lacag dhan €30k.

Warbixinta oo aad u qabsatay baraha bulshada caalamka ayaa gaartay weeraryahanka reer Norway wuxuuna uga jawabay bartiisa Twitterka isagoo soo dhigay qoraal ah: ‘Waxan umaleynayaa iney hilmaameen koorsooyinkooda ugu muhiimsan, warbixin been abuur ah’.

Haaland oo 20 jir ah ayaa kooxdiisa Borussia Dortmond u dhaliyey 57 gool 59 kulan uu saftay tan iyo markii uu kusoo biiray janaayo 2020 wuxuuna haatan ku raaxeysanaya jaziirada MyKonos ee wadanka Giriiga waxuuna dalabyo badan ka helayaa kooxaha Real Madrid, Chelsea iyo Barcelona.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *