Laliga

Eden Hazard Oo Taagerayaasha Real Madrid Ka Raali Geliyey Ficilkii Uu Sameeyey Dhamaadkii Ciyaartii Real Madrid uga hartay Champions League-ga.

Eden Hazard ayaa raali gelin buuxda siiyey Taageerayaasha Real Madrid kadib markii uu kula qoslay asxaabtiisii ​​hore ee Chelsea garoonka dhexdiisa dhamaadka ciyaartii Real Madrid uga hartay Champions League-ga Arbacadii.

Hazard oo ku soo laabtay Stamford Bridge markii ugu horeysay tan iyo markii 90 milyan oo ginni ugu wareegay Real Madrid ayaa la arkayey isagoo dhoola cadeynaya lana qoslaya asxaabtiisii ​​hore ee Kurt Zouma iyo Edouard Mendy.

Kadib falcelintiisii dhamaadkii ciyaarta Hazard ayaa bartiisa Instagram-ka kusoo qoray “Waan kaxumahay ujeedadeyda ma ahayn inay ka xumadan taageerayaasha real madrid, isagoo sii raaciyey qoraalkiisa in riyadiisa ay aheyd inuu u ciyaaro Real Madrid hadana uu uyimid inuu guuleysto”.

Taageerayaasha Real Madrid ayaan ka xuman kaliya ficilkii uu sameeyey Hazard dhamaadkii ciyaarta sidoo kale waxa ay ka niyad jabeen bandhigiisii ciyaarta.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *