Premierleague

Drogba Oo Talo Qurux Badan Siiyey Jose Mourinho.

Halyeeyga Chelsea Didier Drogba ayaa kula taliyey tababarihiisii ​​hore Jose Mourinho inuu ‘ku raaxeysto noloshiisa’ ka dib markii laga ceyriyay shaqada kooxda Tottenham.

Mourinho ayaa shaqada laga ceyriyey ka dib 17 bilood oo kaliya oo uu ku qaatay Waqooyiga London taasoo ka dhalatay qaab ciyaareedkii liitay ee Spurs xili ciyaarenkaan.

Mourinho ayaa soo dhigay muuqaal bartiisa Instagram-ka markii lagu dhawaqay in laga ceyriyay shaqada Totenham, Drogba ayaana comment ahaan ugu qoray fariintan: “Ku raaxeyso noloshaada mudane” tababaraha reer Portugal ayaa ahaa ninkii Drogba keenay Stamford Bridge 2004.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *