Serie A

Dhaqtar Talyaani Ah Oo Lagu Soo Oogay Dacwad Ka Dhan Ah Geeridii Ku Timid Daafacii Hore ee Fiorentina Davide Astori.

Dhaqtar udhashay talyaaniga ayaa lagu soo oogay dacwad ah inuu ka dambeeyey geeridii ku timid 2018-kii daafacii hore ee Fiorentina iyo xulka talyaaniga Davide Astori.

Davide Astori ayaa ku geeriyooday da,da 31 jirka ayada meedkiisa laga helay qolka uu ka jiifay hotel kuyaala magaalada Udine March 2018-kii kahor inta aysan kooxdiisu ciyaarin kulan katirsan horyaalka talyaaniga.

Giorgio Galanti, oo markaa ahaa madaxa Isbitaalka Florence ee Careggi, ayuu ahaa qofkii ugu dambeeyay ee cadeeyey in Astori uu ciyaaro xagaaga 2017, toddobo bilood ka hor dhimashadiisa, Galanti ayaa lagu xukumay hal sano oo ganaax ah ka dib markii uu ku guuldareystay inuu baaro ciyaaryahanka caafimaadka wadnihiisa.

Dacwad oogayaasha ayaa sheegay in dhakhtarka laga rabay inuu sameeyo baaritaano dheeri ah si loo ogaado cudurka wadnaha, iyadoo la fiirinayo natiijooyinka baaritaanka culeyska maskaxda ee Astori, waxayna codsadeen in lagu xukumo 18 bilood oo xabsi ah, Galanti ayaa sidoo kale lagu xukumay inuu siiyo € 1 milyan oo Euro qoyska Astrori.

Sida warbahinta talyaaniga werineyso qareenka Galanti ayaa sheegay in dhaqtarku uu si sax ah uqabsadey shaqadiisa sidoo kalena ay racfaan ka qaadan doonan xukunka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *