Premierleague

‘Dhaqsi Ula Soo Wareega Isaga’ Rio Ferdinand Oo Kula Taliyey Chelsea Iney Lasoo Wareegaan Weeraryahan Bilaash Lagu Heli Karo Xili Ciyaaredka Cusub.

Daafacii hore ee Manchester United iyo xulka qaranka England Rio Ferdinand ayaa ku booriyay Chelsea inay si xor ah kula soo wareegto weeraryahanka Man City Sergio Aguero marka qandaraaskiisa uu dhaco xagaagan.

Weeraryahanka reer Argentina ayaa ka tagaya kooxdiisa Man City dhamaadka xili ciyaareedkaan isaga oo 32jir ah wuxuuna dalabyo badan ka helayaa kooxaha yurub siiba Barcelona balse Ferdinand ayaa qirtay in uu jeclaan lahaa in Chelsea lasoo wareegto weeraryahankaan si uu usii joogo Horyaalka Premier League-ga xili ciyaareedka soo socda.

Chelsea ayaa kula soo wareegi karta Sergio Aguero si bilaash iyada oo dooneysa iney tartan la geliso weeraryahankeeda haatan ee Timo Werner, Chelsea ayaa sidoo kale isha kuheysa Romalu Lukaku iyo weraryahanka Borussia Dortmond Ee Erling Haaland.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *