EURO

Dhacdada Aadan Ogeyn Ee Ka dhacdey Kulankii France Guusha Ka Gaartay Germany Tartanka Euro 2020!!

Dhacdo la yaabka leh ayaa ka dhacdey ciyaartii xulka France guusha 1-0 ka gaaray xulka qaranka Germany iyadoo la arkayey nin baarashuut ku soo galay garoon-ka ka hor intax iyo France ee tartanka Euro 2020.

Nin 38 jir ah oo ka soo jeeda gobolka Baden-Württemberg ayey booliisku xireen ka dib markii uu baarashuut ku soo galay garoonka Alianz Arena oo markaasi ku ciyaarayeen xulalka Germany iyo France.

Waxaana la arkayey in baarashuutka uu watay uu ku milmay fiilooyinka kaamarada dusha sare ee garoonka, ka hor inta uusan si xoog leh ugu soo degin garoonka dhexdiisa ciyaarta inta aan la bilaabin kahor.

Booliska garoonka ayaa xaqiijiyay in labo nin ay ku dhaawacmeen dhacdadaas ka dib markii uu kusoo dhacay burbur ka yimid qeybta kore ee garoonka Alianz Arena.

Xiriirka kubada cagta ee yurub ayaa dhacdadaas ku sheegay mid aan taxadar laheyn oo qatar badan iyagoo ku hanjabay in hey,adaha sharciga ay qaadi doonan talaabo ka dhan ah ficilkaas.

Ninka watay baarashuut-ka oo aysan wax dhibaato ah soo gaarin ayaa baarashuut-ka uu watay kusoo qoray ereyadaan: “Kick Out Oil Greenpeace” wuxuuna ka banaan baxayey shirkada gawaarida sameysa ee Volkswagen oo laga leeyahay Jarmalka taasi oo maalgalineysa tartanka Euro 2020.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *