EURO

Cristiano Ronaldo Oo Guul Waqti Dambe Ah Ku Hogaamiyey Xulkiisa Portugal.

Cristiano Ronaldo ayaa guul waqti dambe aheyd ku hogaamiyey xulka qaranka Portugal kadib markii uu dhaliyey 2 gool kulankii xulkiisa Portugal 3-0 kaga badiyey xulka qaranka Hungary ciyaar ka tirsaneyd Euro 2020.

Daafaca reer Portugal Raphael Guerreiro ayaa dhaliyey goolka furitaanka xulka Portugal daqiiqadii 84aad waxaana goolka labaad iyo sadexaad Portugal u dhaliyey Cristiano Ronaldo daqiiqadihii 87aad iyo 92aad ee ciyaarta.

Ronaldo ayaa haatan 3 gool kaliya ka dambeeya weeraryahankii hore ee xulka qaranka Iran Ali Daei kaasi oo xulkiisa Iran u dhaliyey 109 gool tartamada caalamiga ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *