Premierleague

Chelsea Oo Lacag + Ciyaaryahan Isagu Dareysa Borussia Dortmond Si Ay Uga Hesho Erling Haaland!!

Kooxda kubada cagta ee Chelsea ayaa wadahadal cusub lafurtay dhigeeda Borussia Dortmond si ay uga hesho saxiixa weeraryahanka reer Norway ninka lagu magacaabo Erling Haaland.

Blues ayaa dooneysa in Borussia Dortmond isagu darto lacag iyo weeraryahanka kooxdeeda Tammy Abraham si ay uhesho adeega Erling Haaland oo kooxo badani xiiseynayaan saxiixiisa.

Inkastoo Borussia Dortmond aysan weli muujin xiisaha ay uqabto saxiixa Tammy hadana waxey baadi goob weyn ugu jiraan saxiixa weeraryahan cusub si ay badal uga dhigaan Haaland oo laga yaabo inuu ka tago kooxda.

Kooxaha Man City, Man United Real Madrid iyo Barcelona ayaa dhamaantood xiiseynaya saxiixa Weeraryahanka Borussia Dortmond Erling Haaland balse sida larajeynayo kooxdiisa kuma fasixi doonto qiimo ka yar £170m hadii uu baxayo suuqa xagagan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *