Premierleague

Chelsea Oo Ku Dhow In £60 Million Kula Soo Wareegto Xidig Wacdaro Ka Dhigaya Euro 2020..

Chelsea ayaa lagu soo waramayaa iney diyaar u tahay iney bixiso lacagta lagu burburinkaro qandaraaska xidiga diirada usaaran kooxaha Liverpool iyo Arsenal ee Alexander Isak.

Alexander Isak oo 17 gool u dhaliyey kooxdiisa Real Sociedad xili ciyaaredkii hore ayaa haatan matalaya xulkiisa Sweden isagoo wacdaro ka dhigaya tartanka Euro 2020 wuxuuna xulkiisa ka caawiyey iney helan afar dhibcood laba kulan ay ciyaareen.

Sida laga soo xigtay wargeyska AS tababaraha Chelsea Thomas Tuchel ayaa doonaya in Chelsea lasoo wareegto 21 jirka reer Sweden ee Alexander Isak oo lagu qiimeyo £60m oo u dhiganta €70m.

Sidoo kale Chelsea ayaa dooneysa iney lasoo wareegto weeraryahan cusub suuqa sanadkaan iyadoo sidoo kale xiiseyneysa weeraryahanada kala ah Erling Haaland iyo Harry Kane.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *