Premierleague

Cesc Fabregas Oo Ka Hadlay Qaab Ciyaareedka Jorginho Iyo Sababtii Uu Chelsea Uga Tagay.

Ciyaaryahankii hore ee kooxaha Arsenal, Barcelona iyo Chelsea Cesc Fabregas ayaa amaan balaaran ujeediyey xidiga qadka dhexe ee Chelsea iyo xulka Talyaaniga Jorginho kadib guushii 3-0 ka aheyd ee Talyaanigu Ka dhaaray Turkiga.

Mar uu Fabregas u waramayey BBC Sport ayuu si kaftan ah uyiri “Imaatinkii Jorginho ee Chelsea wuxuu igu riixay inan ka baxo irida garoonka Stamford Bridge 2019-kii maxaa yeelay isagu(Jorginho) waa xidig sare aadna u caqli badan waana xidig ku wanagsan baasaska kubadaha”.

Jorginho oo ah 29 jir ayaa soo bandhigay ciyaar aad uqurux badan kulankii xulka talyaaniga uu guusha ka gaaray dhigiisa turkiga furiraanka tartanka Euro 2020 isagoo qadka dhexe kala dheelayey xidigaha Barella iyo Locatelli.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *