EURO

Cesc Fabregas Oo Fariin Udiray Jack Grealish Kahor Kulanka England Iyo Scotland Tartanka Euro 2020!!

Cesc Fabregas ayaa fariin udiray kubad sameeyaha xulka qaranka ingiriiska iyo kooxda Aston Villa Jack Grealish kahor kulanka England iyo Scotland ee tartanka Euro 2020.

Fabregas ayaa usheegay Jack Grealish inuu diyaar u noqdo qabsashada fursad kasta uu ka helo xulka England si uu uga mid noqdo safka koowaad ee tababare Gareth Southgate.

Grealish ayaa ahaa badal aan la isticmaalin kulankii xulka England uu guusha ka gaaray xulka qaranka Croatia tartanka Euro 2020 ciyaar ka dhacdey garoonka Wemblay ee magaalada London.

Xidigii hore ee kooxsha Arsenal iyo Chelsea Cesc Fabregas ayaa rumeysan in Jack Grealish uu heysto fursad uu uga mid noqon karo safka koowad ee xulka Ingiriiska tartamada soo socda.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *