Bungesliga

Borussia Dortmond Oo Fariin Cad Udirtay Kooxaha Doonaya Erlind Haaland.

Agaasimaha ciyaaraha kooxda Borussia Dortmund Michael Zorc ayaa sheegay in Erling Haaland uu sii joogi doono kooxdiisa xili ciyaareedka dambe xitaa hadii aysan usoo bixin tartamada qaarada yurub sanadkaan.

Haaland oo 20 jir ah, ayaa ka mid ah da’yarta ugu fiican adduunka isagoo 51 gool ku dhaliyay 55 kulan oo uu u saftay kooxdiisa Dortmund waxaana aad udoonaya saxiixiisa dhamaan kooxaha yurub sida Manchester United, Chelsea iyo Real Madrid.

Borussia Dortmond ayaa kujirta kaalinta 5aad kala sareynta holyaalka Bungesliga iyada oo 19 dhibcood ka dambeysa hogaamiyayaasha horyaalka ee Bayern Munich, waxeyna ubadantahay in xili ciyaareedka dambe seegi doonto tartanka Champions League-ga.

Si kastaba ha ahaatee agaasimaha ciyaaraha Borussia Dortomnd ayaa kalsooni badan kuqaba in xidiga reer Norway Erlind Haaland uu baaqi kusii ahaan doono kooxdiisa xili ciyaareedka dambe.

Isaga oo yiri “dhibmalahan booska aynu ku dhameysano isagu (Haaland) wuuna nala siijoogi doonaa”.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *