Bungesliga

Bayern Munich Oo Heshiis La Gaartay Julian Negelsmann.

Sida laga soo xigtay majalada caanka ah ee Bild bayern munich ayaa heshiis lagaartay tababaraha kooxda RB Leipzig ninka lagu magacaabo Negelesmann si ay badal uga dhigto Hansi Flick oo baxaya xagaagan.

RB Leipzig ayaa dalbaneysa lacag dhan £26million si ay ufasaxdo Nagelsmann oo qandaraaskiisa laba sano uga harsantahay si uu ugu biiro Bayern.

Negelesmann oo ah kaliya 33jir udhashay jarmalka horeyna wacdaro uga soo dhigay kooxda Hoffenheim ayaa sidoo kale xiiso ka helaya kooxda Totenham oo dooneysa iney ku buuxiso booska uu baneeyey Jose Mourinho isbuucii hore.

Nagelsmann ayaa heysta 58% guulal ah kooxda Leipzig labadii sano uu joogay, isaga oo badiyay 53 ka mid ah 90 kulan uu kooxda Leipzig hogaamiyey.

Tababaraha haatan ee Bayern Munich Hansi Flick ayaa horaantii bishaan ku dhawaaqay inuu doonayo katagista kooxda Bayern Munich iyadoo lala xiriirinayo qabashada xulka qaranka Jarmalka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *