Laliga

Barcelona Oo Kalsooni Badan Ku Qabta In Messi Uu Saxiixo Heshiis Cusub..

Kooxda kubada cagta ee Barcelona ayaa kalsooni badan ku qabta in Leonel Messi uu saxiixi doono heshiis cusub oo 2sano ah, iyadoo mesha ka saareysa xiisaha kooxaha Man City iyo PSG.

Madaxweynaha dhowaan la doortay ee Barcelona Joel Laporta ayaa balan qaaday inuu sameyn doono wax weliba si uu kooxda ugu sii hayo Leonel Messi, isaga oo hadlayay isbuucii lasoo dhaafay ayuu shegay in heshiiska uu ku dhowyahay in la isku afgarto.

Waxaan rajeynayaa in Messi uu soo dhoweyn doono dadaalada iyo mashruuca cusub ee kooxda, isagu(Messi) madoonayo lacag ee wuxuu doonayaa kooxda iyo guulaheeda wuxuu sidoo kale doonayaa wanaag iyo raaxo si uu uguuleysto,ayuu hadalkiisa kusoo xiray madax weynaha dhowaan la doortay ee Laporta.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *