Laliga

Barcelona Oo Isku Diyaarineysa Bilaawga Isbuuca Cusub Iney Ku Dhawaaqdo Saxiixa Memphis Depay, Meeqa Sano Ayuu Saxiixayaa??

Kooxda Barcelona ayaa isku diyaarineysa iney ku dhawaaqdo saxiixa xidiga reer Holland Memphis Depay bilaawga todobaadka dambe iyadoo Kooxda reer Spain horey ulasoo wareegtay xidigaha Sergio Aguero, Eric Garcia qaab xor ah iyo Emerson Royal oo ay kula soo wareegeen £7.8 million.

Wararka ka imanaya Spain ayaa shegaya in Memphis Depay uu noqon doono saxiixa afaraad ee Barcelona sameyso xagaagan iyadoo xidiga reer holland uu qalinka ku duugi doono heshiis 3sano ah isagoo si xor ah uga soo tagaya kooxdiisa haatan ee Lyon.

Xidiga reer Holland ayaa Lyon ku biiray 2017 isaga oo markaas kasoo tagay kooxda Manchester united wuxuuna Lyon udhaliyey 76 gool 178 kulan oo uu saftay waxaana kujira 20 gool sanadkan uu ka dhaliyey horyaalka Ligue 1 France.

Barcelona ayaa sidoo kale xiiseyneysa saxiixa xidiga kooxda Liverpool iyo xulka Holland Geordinio Wijnaldum kaasi oo Liverpool ka tagaya dhamaadka bishaan kadib 5 sano uu kusoo qaatay garoonka Anfield.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *