EURO

Arsene Wenger Oo Saadaliyey Xulka Ku Guuleysan Doona Euro 2020!! Yuu Usaadaliyey England, France mise Portugal??

Tababarihii hore ee kooxda Arsenal Arsene Wenger oo ka hadlayey tartanka xiisaha badan ee Euro 2020 ayaa saadaalin ka dhiibtay cida ku guuleysan karta tartankaasi isaga oo xusay xulalka England iyo France iney yihiin xulalka ugu cad cad tartanka.

Wenger wuxuu si gaar ah ugu saadaaliyey xulka France iney ku guuleysan doonan Euro 2020 wuxuuna sheegay in France ay heystaan xulka ugu wanagsan tartanka isaga oo xusay xidigo ay ka mid yihiin Paul Pogba, Kante, Bemzema iyo Griezman.

Wenger ayaa sidoo kale xulka England ku tilmaamay in uu yahay xulka kaliya ee France ku ciriirin kara tartanka Euro 2020 isaga oo shegay in heystaan xidigo da,yar ah oo la tartami kara xulka France koobka Euro 2020.

France ayaa kulankooda furitaanka tartanka Euro 2020 la ciyaari doona xulka qaranka Germany talaado 15-ka juun sidoo kale waxey la ciyaari doonan xulalka Portugal iyo Hungary oo ay kuwada jiraan guruubka F.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *