Premierleague

Arsene Wenger Oo Cadeeyey Dhibaatada Chelsea Kadib Barbarihii Real Madrid.

Tababarihii hore ee Arsenal Arsene Wenger sheegay in Chelsea ay wajaheyso ‘dhibaato nafsi ah’ ka hor kulankooda lugta labaad ee semi-finalka Champions League ee ay la ciyaarayaan Real Madrid isbuuca soo socda, Chelsea ayaa difaacan weysay gool qurux badan oo uu dhaliyey Christian Pulisic ciyaar lugta hore kusoo dhamatay barbaro 1-1 ah.

Wenger ayaa usheegay Being Sports in Thomas Tuchel uu u baahan yahay in ciyaaryahan kasta uu raaco qorshihiisa si Chelsea ay u gaarto finalka Champions League-ga, sababtoo ah Real Madrid waxey kujirtaa xaalad kaduwan mida Chelsea waxey aadayan Stamford Bridge xitaa hadii ay gool dhaliyaan waxey u ciyaarayaan si caadi ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *