Premierleague

Arsenal Oo Guuldaro Xanuun Badan Kala Kulantay Kooxda Brentford Kulankii Furitaanka Horyaalka Premier League-ga + Sawiradii Ciyaarta.

Kooxda Arsenal oo marti u aheyd Brentford kulankii furitaanka xili ciyaareedka cusub ee horyaal-ka Premier League-ga ingiriiska ayaa lasoo kulantay guuldaro xanuun badan kadib markii looga badiyey 2 gool.iyo waxba.

Brentford oo ciyaarta ku bilaabatay qaab qurux badan oo weerar ah ayaa heshay goolka koobaad ee ciyaarta daqiiqadii 22aad ee qeybtii hore waxaana shabaqa ku hubsaday xidiga reer Spain ee Serji Canos waxaana goolka labaad daqiiqadii 73aad u dhaliyey Crristian Noergaard.

Arsenal ayaa abuurtay fursado dhowr ah oo gool lagu dhalin karay balse uma suuro galin iney jabiyaan dafacii adkaa ee kooxda Brentford oo markii ugu horeysay ka qeyb galeysa horyaal-ka heerka koobaad ee Ingiriis-ka tan iyo markii loo bixiyey magaca Premier League-ga.

Tababare Mikel Arteta ayaa soo xushay shaxdiisa ugu xoogan isagoo ku soo bilaabay ciyaarta xidiga dhawaan galka ah ee Lokonga wuxuuna badal ku keenay Nuno Tavares oo isla sanadkaan kuso biiray kooxda Arsenal.

Dhanka kale Serji Canos ayaa dhiyey goolkii ugu horeeyey ee Brentford ka dhaliso horyaal-ka Premier League-ga wuxuuna sidoo kale dhaliyey goolkii ugu horeeyey ee laga dhaliyo horyaal-ka Premier League-ga Ingiriiska sanad ciyaareedka cusub ee 2021/2022.

Sawirada Ciyaarta:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *