Premierleague

Aqriso: Fariinta Tageerayaasha Manchester City U Direen Tababare Pep Guardiolla Kadib Bandhigii Aleks Zinchenko Ee Xulkiisa Ukraine.

Taageerayaasha Manchester City ayaa fariin udiray tababaraha kooxdooda iyagoo usheegay in Zinchenko uu siiyo fursad uu uga dheelo qadka dhexe kadib bandhigiisii wanaagsanaa ee kulankii xulkiisa Ukraine guuldarada kala kulmay Holland.

Aleks Zinchenko oo qadka dhexe uga ciyaara xulkiisa Ukraine ayuu tababare Guardiolla u is ticmaalaa daafaca bidix wuxuuna soo bandhigay awooda uu u leeyahay inuu ka ciyaaro booska daafaca bidix.

Taageerayasha Man City oo u riyaaqay bandhigii Aleks Zinchenko ee xulkiisa Ukraine isagoo uga ciyaarayey qadka dhexe ayaa doonaya iney arkaan Zinchenko oo qadka dhexe uga ciyaaraya Manchester City sanadaha soo socda.

Zinchenko ayaa ka mid ahaa xidigihii xulka Ukraine ee guuldarada 3-2 aheyd kala kulmay xulka qaranka Holland kulankooda furitaanka Euro 2020.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *