Xulalka

Alexander Arnold Oo Dhawac Looga Saaray Tartanka Euro 2020, Isima Bilood Ayuu Garoomada Ka Maqnaan Doonaa??

Daafaca midig ee kooxda Liverpool Alexander Arnold ayaa dhaawac dartiis looga saaray xulka England ee ka qeyb galaya tartanka Euro 2020 ee mar dhow bilaaban doona isagoo ku dhaawacmay ciyaartii England 1-0 kaga badisay Austria kulan saaxibtinimo oo ay wada ciyaareen labada xul.

Baaritaano lagu sameeyey dhaawaca Arnold ayaa sheegaya in xidiga reer England uu qabo dhaawac dhanka bowdada ah taasi oo lamicno ah inuu seegi doono tartanka xiisaha badan ee Euro 2020.

Arnold ayaa lafilayaa inuu garoomada ka maqnaado mudo 4 ilaa 6 isbuuc ah iyadoo kooxda Liverpool ay ku raja weyntahay in dafaceeda midig uu taam noqdo ka hor bilaawga xili ciyaareedka cusub ee Premier League-ga.

Gareth Southgate ayaa Arnold ku daray 26-ka xidig ee England uga qeyb galeya tartanka Euro iyadoo xulka England kulanka ugu soo horeeya Euro 2020 uu la dheeli doono xulka Croatia maalin axad ah 13ka juun ciyaar ka dhici doonta garoonka Wembley.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *