EURO

Alan Shearar Oo Difaacay Hoos U Dhaca Ku Yimid Harry Kane, Sidoo Kalena Sheegay Isbadalada Loo Baahanyahay In uu Sameeyo Xulka England Kulanka Czech Republic Ee Euro 2020.

Weeraryahankii hore ee xulka England iyo koooxda Newcastle United Alan Shearar ayaa difaacay qaab ciyaareedka liita ee Harry Kane uu soo bandhigay labadii kulan ee ugu horeysay tartanka Euro 2020.

Kane ayaan wax saameyn ah ku yeelan labadii ciyaar ee xulkiisa England dheelay tartanka Euro 2020 waxaana dad badan is weydiinayaan waxa sababay hoos u dhaca ku yimid weeraryahanka Tottenham.

Shearar ayaa qaba in aan wax su,aal ah la iska weydiin hoos u dhaca ku yimid Harry Kane isagoo sheegay in shaki la,aan Kane uu kusoo bilaaban doono shaxda xulka England kulanka soo socda ee Czech Republic.

Shearar ayaa sidoo kale sheegay in uu rajeynayo in tababaraha xulka England Gareth Southgate uu sameyn doono isbadalo dhowr ah isagoo qaba in fursado lasiiyo xidigaha Jack Grealish iyo Bellingham kulanka soo socda ee Czech Republic tartanka Euro 2020.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *